Naqshadaydii ugu horreysay ee Canva anigoo isticmaalaya Map Image
Waxaan bilaabay safarkayga barashada naqshadeynta anigoo adeegsanaya App loo yiraahdo Canva, markaan raadinayay hab fudud oo aan ku sameeyo naqshado qurux badan anigoon u baahnayn xirfad sare sida barnaamijyada adag ee sida Photoshop. Waxa iga yaabiyay sahlanaanta Canva iyo sida fudud ee loo isticmaalo, gaar ahaan sababo la xiriira shaxanada diyaar u ah iyo qalabka degdegga ah ee iga caawiyay inaan sameeyo fikradda maskaxdayda ku jirtay.
Intii aan safarkan ku jiray, waxaan ogaaday astaamo gaar ah oo ku jirta Canva oo ah Map Image ama “Sawirka Khariidadda”. Qalabkani wuxuu ii suurtageliyay inaan khariidado ugu daro naqshadayda si hal-abuur leh oo fudud. Haddii aan sameynayo soo bandhigid safar ah, ama mashruuc dugsiyeed ku saabsan meel juquraafi ah, khariidaduhu waxay siiyeen naqshadeyda muuqaal xirfadaysan iyo mid soo jiidasho leh.
Sideen u isticmaalay Map Image ?
Waxaan furay naqshaddii aan rabay ee gudaha Canva.
Waxaan aaday qaybta "Elements", kadibna waxaan qoray "Map" meesha lagu raadiyo.
Waxaa iga hor yimid xulashooyin badan oo khariidado ah (caalami ah, qaarado, dalal), waxaanan doortay midka ugu habboon mashruucayga.
Waxaan beddelay cabbirkeeda, midabbada, waxaanan ku daray qoraallo iyo calaamado si aan meelaha u muujiyo.
Ugu dambeyn, waxaan naqshadda u dhoofiyay qaabka PNG si aan ugu isticmaalo boggay.
Maxaan bartay?
Waxaan bartay in naqshadeynta aysan u baahnayn qalab adag, balse u baahan tahay keliya fikrad iyo rabitaan hal-abuur leh. Canva wuxuu ka dhigay naqshadeynta mid xiiso leh, iyo Map Image wuxuu iga caawiyay inaan si cad oo muuqaal fiican leh u muujiyo macluumaadka.
Waxaan kugula talinayaa qof kasta oo raba inuu bilaabo naqshadeyn ama doonaya inuu fikraddiisa si qurux badan u soo bandhigo, inuu isku dayo Canva. Waqti ka dib, waxaad ogaan doontaa in xirfaddaada naqshadeynta ay korodhay si dabiici ah.
https://6829e87bce60331b9d528a20--calm-vacherin-a31d54.netlify.app/

Comments
Post a Comment